Barlamanka Somalia oo ansaxiyey sharciga ajaanibta [Dhageyso]
31 Augusto, 2015(GO)-Barlamanka Somalia ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka ajaanibta kaasoo malmihii la soo dhaafay mudanayaashu uga doodayeen magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay inay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharicigan oo uu tilmaamey inuu wax weyn ka tarayo la socodka shaqaalaha ajaanibta ah ee soo gala dalkeenna.
Fadhiga Barlamanka ee maanta ayaa waxa soo xaadirey 140 mudane, waxaana sharcigan ogolaadey 139 mudane, hal qof ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday.
Sharciga Barlamanka Somalia meelmariyeen ayaa muhiimada siinayay in fursadaha dhanka shaqada la siiyo muwaadiniinta,
GAROWEONLINE