Barlamanka Somalia oo ka doodaya sharci ku saabsan darbiga Kenya

Image

28 November, 2015(GO)-Barlamanka Somalia, ayaa maanta ka doodaya sharci ku saabsan darbiga dowladda Kenya ka dhisayo xadka Somalia la wadaagto iyo dib u eegista qaraar la xiriira qarashaadka Dowladda.

Xildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah Somalia oo la hadlay warbaahinta afka dowladda ayaa sheegay in shirka Xildhibaanada ku saabsanyahay qeybinta sharciga darbiga xadka laga dhisayo.

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Barlamanka Somalia, ayaa muddo ku hawlanaa soo gudbinta ajandahan, waxaana maanta la guda galay ka doodistiisa.

“Labo ajande ayaa horyaala golaha, tan kowaad waxay tahay qeybinta sharciga darbiga Somalia iyo Kenya, waxaa soo diyaariyay guddiga arrimaha dibadda iyo guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka, sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxay iyana soo diyaariyeen qaraar ku saabsan dib u eegista qarashaadka dowladda oo Xildhibaanada loo qeybin doono” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Sharciga la doodayo ee Xildhibaanada horyaalla ayaa mari doona saddex marxaladood oo kala ah; akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad,  waxayna  Xildhibaannadu guddiyada soo diyaariyay su’aalo ka weydiin doonaan inta lagu guda jira marxaladaha akhrinta, kadibna goluhu ayaa cod gelin doona si uu u noqdo sharci Barlamanka meel mariyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM