Barlammaanka DF oo go'aan ka gaaraya mooshinka Jubaland

Image

June 6, 2015 (GO)- Baarlammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go'aan kama dambeys ah ka gaaraya mooshinka qaar kamid ah xildhibaannadu kasoo gudbiyeen qaabka lagu soo dhisey baarlamaanka maamulka Jubaland.

Labo fadhi oo hore oo xildhibaannadu cod ugu qaadi lahaayeen mooshinkaas ayaa u baaqdey kooramka oo buuxsami. Si cod loogu qaado mooshinka, waxa khasab ah inay fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 xildhibaan.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka. 

Jubalnad ayaa horey u sheegtay inay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka hadii aan la joojin mooshinka laga keenay barlammaankeeda.

Sidoo kale Puntland ayaa ka soo horjeedsatay mooshinkaas, waxaana Madaxweyne Gaas oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay uu sheegay in xildhibaannada baarlammaanka federaalka shaqo la'aantu ka badatay sidaas darteed ay ku mashquulsan yihiin wax aan shaqdooda ahayn.

Fadhiga barlammaanka waxaa isla maanta looga doodi doonaa xeerka saxaafadda, xeerkaasoo horay golaha wasiirradu usoo ansixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudiga lagu muransan yahay oo shaaciyay dadka isku diiwaangeliyay doorashadda Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah mucaaradka iyo laba ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 08:23AM

Interpol oo DFS ku wareejisay Agaasimihii Hore ee Isbitaalka Qardho oo Lagu Eedeeyay Kufsi

Wararka kale ee la xiriira kiiskan ayaa sheegaya in eedeysane kale oo lala xiriirinayo falka uu haatan ku xiran yahay magaalada Garowe.

  • Soomaliya

    19-10-2025

  • 12:23PM