Baydhabo: Al-shabaab oo weerartey madaxtooyada K. Galbeed

Image

March 12, 2015 (GO)- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta weerar qorsheysan kusoo qaaddey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Ugu yaraan shan nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandoorriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa lagu soo warramayaa inay madaxtooyada soo weerareen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarku ku bilowdey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay iridka madaxtooyada iyadoo intaas kaddibna dableydu isku dayeen inay madaxtooyada gudaha u galaan.

Iska hor imaad xooggan oo socdey ugu yaraan muddo labo saacadood ah ayaa dhex maray  ilaalada madaxtooyada iyo kooxdii weerarka soo qaaddey, waxaana markii dambe usoo gurmadey ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan, haseyeeshee wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan toban qof oo qaarkood yihiin kuwii weerarka fuliyey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa ku sugnaa madaxtooyada xilligii uu weerarku dhacayey.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa ah mid kacsan, waxaana la xirey qaar kamid ah jidadka muhiimka ah.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM