Baydhabo: Al-shabaab oo weerartey madaxtooyada K. Galbeed

Image

March 12, 2015 (GO)- Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta weerar qorsheysan kusoo qaaddey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Ugu yaraan shan nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandoorriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa lagu soo warramayaa inay madaxtooyada soo weerareen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarku ku bilowdey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay iridka madaxtooyada iyadoo intaas kaddibna dableydu isku dayeen inay madaxtooyada gudaha u galaan.

Iska hor imaad xooggan oo socdey ugu yaraan muddo labo saacadood ah ayaa dhex maray  ilaalada madaxtooyada iyo kooxdii weerarka soo qaaddey, waxaana markii dambe usoo gurmadey ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan, haseyeeshee wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan toban qof oo qaarkood yihiin kuwii weerarka fuliyey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa ku sugnaa madaxtooyada xilligii uu weerarku dhacayey.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa ah mid kacsan, waxaana la xirey qaar kamid ah jidadka muhiimka ah.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM