Bayle: Jubbaland iyo Puntland dekedo ayay leeyihiin ee dakhliga tan Muqdisho waxba kama helaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo dhowaan wareysi siiyay Somali American TV ee Weriye Cali Xaraare ayaa ka hadlay sida dhaqaalaha u qeybsadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ay dowladda federaalka bil kasta ka helaan kab miisaaniyadeed oo dhan $150 kun oo doolar, “waa haddii loo helo”, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in Jubbaland iyo Puntland aanan lacagtaasi la siinin maadaamaa ay leeyihiin dekedo.

“Iyaga dakadahooda waxbo nagama siiyaan, anaga teena Muqdisho waxbo kama siino, in la mideeyana weli laguma heshiin “ ayuu yiri wasiir Bayle.

Wuxuu kale oo uu sheegay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka yimaada loo qeybsado hadba sida loo kala miisaaniyad badanyahay, cid kastana wax la gaarsiiyo.

Waxaa kale oo jira mashaariicda oo ku xiran hadba baahida jirta markaas, isaga oo tusaale usoo qaatay fatahaadaha oo uu sheegey in lacagtaas la siiyo hadba dowlad goboleedka ay fatahaadaha ka jiraan.

Wuxuu adkeeyay in ay muhiim tahay isfahamka iyo wada shaqaynta wasiirka maaliyadda iyo wasiiradda dowlad goboleedyada, isagana uu sidaasi wax ku waday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM