Bayle oo qashinka ku daray warar ay faafiyeen kooxda Farmaajo

Image
Wasiirka Maaliyadda ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Wasiir  Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn dalkeena, balse ay ku dadaalayaan in 25-ka bil kasta la bixiyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB in ay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowladdu ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasanadda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey wasiirku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM