Bayle : Wasiirka maaliyadda wa inuu garanayaa jeeb-tuugga beesha caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa bixiyay wareysigii ugu horeeyay tan iyo intii uu xilka ka tagay bilo ka hor.

Isaga oo ku sugan dalka Maraykanka ayuu wareysi siiyay warbaahin Soomaali ah, wuxuuna ka hadlay waxyaabihii uu xog ogaalka u ahaa iyo sida uu yahay xaalka qasnadda dowladda.

Wuxuu sheegay in qasnadda uu kaga soo tagay lacag dhan 100 milyan oo doolar oo beesha caalamka ka timid iyo 30 milyan doolar oo qaanado kala duwan ku jirtay.

Mar wax laga weeydiiyay qaabka beesha caalamka looga helo lacagaha ayuu sheegay in wasiirka maaliyadda ay tahay in uu fahmi lacagaha ku kala xasaysan wax uu ku tilmaamay jeeb-tuugga beesha caalamka, taas oo uu sheegay in ay jiraan lacago loogu talogalay mashaariic kala duwan, oo aysan jirin lacag isku xiran oo meel qura ku wada jirta.

Bayle ayaa qirtay in culees badan la saaray sanadkii iyo barkii ay dowladda kala guurka ku jirtay, “ haddii aanan diidi lahayn, xitaa waxaa adkaan lahayd in mushaaraadka la bixiyo” ayuu yiri Bayle oo intaas ku daray in si joogto ah cadaadis loogu saari jirey in uu bixiyo lacago siyaasad lagu bixiyo.

“Maalinkii madaxweynaha la doortay ayaan nafis dareemay, maalinkii ku xigtana waan u tagay oo waan u sheegay sidii xaalku ahaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM