Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey doorashooyinka qorshuhu yahay in ay qabsoomaan 2020-21.

Wallow leysku haysto, sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey ayay ku qeexeen mid muhiim u ah qabashadda coddeynta qof iyo codka ah.

Inkastoo ay talaabo muhiim ah ku tilmaameen helista xeerka, haddana waxay soo jeediyeen baahida loo qabo in la xaliyo arrimaha ku geedaaman.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay tibaaxeen in ay aqoonsan yihiin shaqadiisa ayay soo jeediyeen in uu ka howlgalo maamuladda.

Si loo xaliyo muranka ka taagan sharciga, dhamaan saamileyda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay wadahadalaan si loosoo afjaro khilaafka taagan.

Arrimaha wadaxaajoodka u baahan waxay ku sheegeen; degaan doorashada, qoondada haweenka, maqaamka Muqdisho iyo habka loosoo dooranayo xubnaha Somaliland ku metelaya baarlamaanka.

Baarlamaanka federaalka, guddiga doorashooyinka, maamulada iyo saamileyda ayaa lagu waaniyey in ay si degdeg ah u xaliyaan qadiyadahaan.

Xisbiyadda siyaasadda oo ay qireen in ay muhiim u yihiin qabashada doorashooyinka ayay hoosta ka xariiqen in doorkooda ka siiyo.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda oo waqtigooda la qabto ayay xuseen in ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka ah Soomaaliya iyo dowladaha xubinta ka ah ayay ku booriyeen in ay wadahadlaan si loo gaaro arrimaha hor-tabin leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM