Beesha Caalamka oo faafisay codsi la xiriirka shirka DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dalabka madaxweyne Farmaajo ee ku aadan wadahadal dhexmara madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Bishaan June 14-keeda ayay Villa Soomaaliya faafisay in madaxweynaha uu shir ku casuumay maamuladda "si looga wadahadalo arrimaha doorashooyinka, amniga, dastuurka iyo la dagaalanka argagixisadda".

"Waxaan bogaadineynaa dadaalkan oo xoojinaya iskaashiga iyo in la helo is-afgarad," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay uga faa'iideystaan kulankaan sidii ay heshiis uga gaari lahaayeen arrimaha hor-tabinta u leh qaranka sidda doorashooyinka "oo dan u ah Soomaalida".

"Waxaan qireynaa in dedaalada kale ee dhowaan ay sameeyeen wakiiladda dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubinta ka ah oo sababay wada-xaajoodkan," ayaa la raaciyey bayaanka oo uu arkay Garowe Online.

Waxaa la raaciyey: "Waxaan dalbaneynaa in la dadejiyo isku-imaatinka, iyaddoo aan dib loo dhigin, kuna dhacaan hab muuqaal ah iyo mid toos ah".

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu soo dhaweeyay dedaaladda "lagu soo afmeerayo kala aragti-duwanaanta siyaasadeed qaybo kamida dalka sidda Jubbaland".

"Waxaan sugeynaa in aan ka marqaati kacno horumarka dardar gelinta ahmiyadaha qaran ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo iskaashiga dib u cusbooneysiinta hogaamiyayaasheeda, waxaana diyaar u nahay in aan taageerno dadaallada lagu hormarinayo siyaasada loo dhan yahay iyo in la ilaaliyo midnimada dalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Madaxda waqtigu kasii dhacayo ee hadda fadhisa Villa Soomaaliya oo wajahaya eedeymo ku saabsan in ay ka caga-jiidayaan miiska wadahadalka oo ay la fariistaan maamuladda iyo saamileyda ayaa looga digay muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM