Beesha Caalamka oo ka aamusan heshiiska doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada caalamka Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkooda ku aadan heshiiska siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulada ka gaareen doorashooyinka sanadka 2020-21-ka.

Kadib shan maalmood oo wada-xaajoodyo adag, bishaan September 17-keeda ayay hogaamiyeyaasha soo saareen war-murtiyeed ay wada ogol kaga gaareen qaabka ay u dhaceyso coddeynta iyo nooca.

Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay Muqdisho si gaar ah Mareykanka ayaa kamid ahaa dhinacyadda riixayey in madaxda Soomaalida isla meeldhigaan geedi u socodka waddanka uga baxayo kala guurka.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa aamusnaanta daneeyeyaasha kuwasoo looga bartay in ay maalmo gudahooda kaga falceliyaan talaabooyinka ay qaadaan xukuumada iyo dowlad goboleedyada.

Washington iyo dowladaha kale ayaa damaanad-qaadeyaal ka ah dhaqan-gelinta go'aanadaas kadib markii Puntland iyo Jubaland ay ku eedeeyeen dowlada Farmaajo in ay fulin weyday heshiisyo hore.

Lama ogga hadii deeq-bixiyeyaasha ay shaacinta mowqifkooda la sugayaan go'aanka barlamaanka federaalka ka qaato heshiiska maadaama hogaamiyeyaasha isku raaceen in la horgeeyo.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo ayaa dharbaaxo kala kulmay heshiiska isagoo ku guuldareystay in uu meelmariyo damaciisa qof iyo cod oo la sheegay in uu ku hoos-qarsanaa muddo kororsi.

Isagoo ka hadlayey casho sharaf lagu soo xiray wadahadalka, Farmaajo oo sheegtay in uu tanaasulay ayaa qiil ka dhigtay; in uu ka hortagayey faragelin shisheeye iyo in waddanka aan kala tagin.

Farmaajo, murashax raba in uu difaacdo kursiga uu muddo xileedkiisa dastuuriga ah dhamaanayo 8-da Febraayo, 2021 ayaa lagu cambaareeyay "hadaladaas deel-qaafka ah" xilli lagu qeexay "marmarsiyo".

Qabashada doorasho dadweynaha ku doortaan hogaankooda wuxuu safka hore kaga jira waajibaadka iyo qodobada uu ololaha ku galay Farmaajo, waxaana in uusan fulin ay dhaaci kareysaa riyadiisa dib u doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM