Beesha caalamka oo maamulka Jubaland ka dalbatey wadaxaajood

Image

Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartey kaga dalbatey maamulka Jubaland iney wax ka qabato cabashooyinka qabaa'ilka wada daga degaankaas ee ku aadan dhismaha barlamanka dhowaanta lagu dhawaaqey.

Warsaxafdeedkaan oo soo gaarey warsidaha Garowe online ayaa u qoraa sidatan:

Muqdisho, , 22 Abriil 2015 – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba. Waxaan ku baaqaynaa in wadaxaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabiillada, beelaha iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda ay dareemaan inay qayb ku leeyihiin oo loogu jiro. 

“Waxaan soo dhoweynaynaa horumarkan muhimka ah. Waxaan Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba ugu baaqaynaa inuu la kaashado Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xalliyo wixii arrimo ah oo geeddi-socodka ka dhashay. 

Dhismaha golaha baarlamaanka waa tallaabo wax ku ool ah oo muhim u ah hirgelinta Heshiiskii Addis Ababa ee bishii Agoosto 2013 iyo geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedka Jubba, iyo dhismaha Soomaaliya oo Federaal ah. Xaqiijinta geeddi-socod caddaalad ku dhisan oo loo wada dhanyahay waxay gacan ka geysan doontaa dhisidda bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan oo tusaale lagu daydo u noqon karta dalka intiisa kale. 

Waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba ku ammaanaynaa qaybta ay ka qaateen dhisidda baarlamaan goboleedka. 

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno maamulka iyo baarlamaan goboleedka. Waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay wadatashi iyo dib-u-heshiisiin wax ku ool ah la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha dhammaan beelaha. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.” 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM