Beesha Caalamka oo la hor-dhigay layli la xiriira shirka Dhuusamareeb 3
MUQDISHO, Soomaaliya – Daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya waxaa horyaala layli ka shaqeyntiisa deg-deg loogu baahan yahay markii Puntland iyo Jubaland ay ka codsadeen in ay soo farageliyeen kulanka Dhuusamareeb 3.
Dooda maamuladan ayaa salka ku haysa in madaxda dowladda federaalka ah aysan daacad ka ahayn wadahadalka heshiiska wadar ogolka ah loogu raadinayo nooca lagu galayo coddeynta soo dhawaaneysa ee 2020-21.
Madaxtooyada ayay ku eedeeyeen in ay ka baxdey heshiisyadii lagu gaarey shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2 ayna wali ku mashquulsan tahay marin-habaabinta wejiga saddexaad ee loo balansanaa 15-ka August.
Talaabooyinka heshiisyadaas baalmarsan ee Villa Soomaaliya isku dabariday waxaa kamid ah; riditaanka xukuumadda, isku-koobida talooyinka guddiga farsamada ee kasoo baaraan-dega nooca doorashada iyo shirka.
Dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirka markii ay Dhuusamareeb xaadiri waayeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, taasoo ku qasabtay madaxda kale in ay furtaan kulanka isagoo qabyo ah.
Inkasta oo horey ay u sheegeen in aysan ogolaan doonin nooc doorasho oo dhinac gaar ah u xusul-duuban, beesha caalamka ayaa wali ka jawaabin baaq kasoo qeybgalka Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubbaland uga yimid.
Isagoo wariyeyaasha xalay kula hadlay Dhuusamareeb, martigeliyaha ahna madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor, ayaa muujiyey in uu kasoo horjeedo kasoo qeybgalka saaxiibada caalamka ee shirkaas.
"Horey ayaan is-faham u gaarnay iyaddoo aysan cidna nagu dhex-jirin," ayuu yiri xilli uu rajo ka muujiyey in ay dhaqan-galaan go'aanada kulanka.
Wallow Qoor-qoor uusan carabaabin Beesha Caalamka oo taageerada Soomaaliya uu uga mahadceliyey, haddana dhawaqaas wuxuu u muuqdaa mid uu uga falcelinayo codsiga Puntland iyo Jubaland u direen deeq-bixiyaasha.
Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Farmaajo uu si cad u diidey kaalin shirka laga siiyo Beesha Caalamka, kana baqayo cadaadis lagu saaro ka tanaasulka riyadiisa muddo kororsiga iyo qof iyo cod.
Isbedelka kasoo ifbaxay dhexdhexaadnimada martigeliyeyasha shirka oo ah Galmudug, mayal adeega hogaanka dowlada federaalka ah iyo baahida loo qabo isla ogol kahor 2020-21 ayaa caalamka ku riixeysa faragelin deg-deg ah.
GAROWE ONLINE