Beesha Caalamka oo fariin adag u dirtay hogaanka DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta caddeeyay mowqifkooda talaabadadii Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya uu xilka uga qaadey ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal ay soo saareen ayna walaac kaga muujiyeen arrintaas ayay kaga dhawaajiyeen in ay rajeynayaan in talaabadaas aysan wiiqi doonin dedaalada wadar-ogolka loogu raadinayo doorashooyinka soo aadan.

Sidoo kale, waxay xuseen in ay rajeynayaan in aysan hagal-daacin dib u habeynta Soomaaliya ama aysan sababi doonin xasilooni darro waxyeeleysa guulaha laga gaarey arrimaha hor-tabinta u leh qaranka.

Dhanka kale, bayaanka ayaa lagu tibaaxay in ay si joogto ah ugu baaqayaan in coddeynta 2020-21 ay waqtigeeda ugu dhacdo iyaddoo heshiis siyaasadeed la gaarey lana ilaaliyo xasiloonida waddanka.

"Tani waa sababta aan u soo dhaweynay heshiiskii ay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Dhuusamareeb 12-kii July, 2020," ayaa la raaciyey qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Dowladda federaalka iyo maamuladda ayay ku booriyeen in ay "xormeeyaan" heshiiska Dhuusamareeb iyo jadwalka xeerinaya kulamada ay nooca doorashada uga heshiinayaan saamileyda iyo ururada bulshada.

Isku day kasta oo dhinac gaar ah u sameeyo si uu u meelmariyo nooca doorasho oo gaar ah ayay ka shanqariyeen in ay meesha ka saareyso sharciyada iyo taageeradda daneyeyaasha kale.

"Daneeyeyaasha waxay si dhow ula socon doonan xaaladaha soo kordha," ayay raaciyeen, iyagoo qiray in in arrimaha cakiran oo lagu dhameeyo wadaxaajood ay muhiim u tahay taageera dalka.

Ugu dambeyntii, waxay soo jeediyeen in si deg-deg ah loosoo magacaabo guddiga farsamo ee dowladda iyo maamuladda ku heshiiyeen, kuwaas oo kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashooyinka nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM