Beesha Caalamka oo si dadban u ayiday dalabkii dowladda Puntland
MUQDISHO, Soomaaliya – Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed kasoo saartey is-mari-waaga shirka Dhuusamareeb 3 ayaa si aan toos ahayn u ayiday dalabkii Puntland ee damaanad-qaadka fulinta natiijada kulanka.
Hase ahaatee, deeq-bixiyeyaasha ayaa shuruud uga dhigay ka qeybgalka shirka marka ay ogolaanshiyo buuxda ka helaan dhamaan ka qeybgalayaasha wadahadalka oo ah dowladda iyo maamuladda.
Qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray ahmiyadda ay leedahay in shirka ay kasoo baxaan go'aano wadar ogol ah oo looga gudbno mar-xalada kala guurka doorashada.
"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Waxay raaciyeen: "Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan".
"Saaxiibadu waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan," ayay ku dareen.
Daneeyeyaasha ayaa xusay: "Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed. Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay".
"Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale," ayay hoosta ka xariiqeen.
Warka ayaa lagu soo xiray: "Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta".
Puntland oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa sheegtay in ay kaliya ka qeybgaleyso shirka marka ay saaxiibada caalamka ka soo qeybgalaan shirka si ay u damaanad-qaadaan in ay dhaqan-gelayaan go'aanadda.
Villa Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay dooneyso marin-habaabinta shirka Dhuusamareeb iyo in aysan daacad ka ahayn wadar ogol laga gaaro nooca coddeynta 2020-21 oo qorshuhu ahaa qof iyo cod "balse u diyaarsaneyn".
GAROWE ONLINE