Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Shirka uu ku baaqey Xasan Sheekh

Image

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri.

Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka.

Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

War-Saxaafadeed

Related Articles

Soomaaliya: Xog ku saabsan Ninkii dilay Korneel Nuur Farey

Baaritaanka ayaa socda, waxaana la filayaa in ciidanka ay soo bandhigaan natiijooyin si loo caddeeyo xaqiiqada ka dambaysa dilka Korneel Nuur Farey.

  • Soomaliya

    07-04-2025

  • 07:03PM

Madaxweynaha Puntland oo uga mahadcelisay Mareykanka Taageerada Cirka

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Puntland.

  • Soomaliya

    07-04-2025

  • 01:45PM