BF Soomaaliya oo ansaxinaya xeer kale oo la isku khilaafsan yahay

Image

MUQDISHO | Madaxweyne Farmaajo iyo gudoonka Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney ka ansaxiyaan aqalka hoose xeer kale oo la isku khilaafsan yahay kuwaas oo horey maamuladu uga digeen.

Xildhibaanda golaha Shacabka oo mudo xiloodkoodu gabaabsiga yahay ayaa waxaa laga rabaa iney maanta 30/06/2020 u gacan taagaan iney kuraasta laga soo doortey ay  gaysan karaan meeshay rabaan iyagoo aan ka bixin maamul goboleedka uu ku aasteysan yihiin.

Waxay aheyd 28 July, 2020 markii aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya uu ansaxiyey go'aan buuq badan dhaliyey kaas oo la kulmay cambaareyn badan.

Qaar ka tirsan maamulada Soomaaliya ayaa horey uga digey in la hakiyo xeerarkaan horyaala aqalka Hoose ee Barlamanka hadii kale ay qaadanayaan go'aano dhaawac u gaysta heshiis-yada siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyey in buuq siyaasadeed galinayo Soomaaliya si uu kororsi u sameysto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM