BF Soomaaliya oo ansaxinaya xeer kale oo la isku khilaafsan yahay

Image

MUQDISHO | Madaxweyne Farmaajo iyo gudoonka Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney ka ansaxiyaan aqalka hoose xeer kale oo la isku khilaafsan yahay kuwaas oo horey maamuladu uga digeen.

Xildhibaanda golaha Shacabka oo mudo xiloodkoodu gabaabsiga yahay ayaa waxaa laga rabaa iney maanta 30/06/2020 u gacan taagaan iney kuraasta laga soo doortey ay  gaysan karaan meeshay rabaan iyagoo aan ka bixin maamul goboleedka uu ku aasteysan yihiin.

Waxay aheyd 28 July, 2020 markii aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya uu ansaxiyey go'aan buuq badan dhaliyey kaas oo la kulmay cambaareyn badan.

Qaar ka tirsan maamulada Soomaaliya ayaa horey uga digey in la hakiyo xeerarkaan horyaala aqalka Hoose ee Barlamanka hadii kale ay qaadanayaan go'aano dhaawac u gaysta heshiis-yada siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyey in buuq siyaasadeed galinayo Soomaaliya si uu kororsi u sameysto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM