Biden oo lagu dhaliilay in uu "dilaa" ku tilmaamay Putin

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu ku tilmaamay "dilaa". Balse, waxaa dhawaqaas aad u cambaareeyay hogaamiyaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa "wax aan la aqbali karin" ku qeexay hadalkaas, wuxuuna tibaaxay in aysan ahayn mid ku haboon in madaxwayne uu ka dhawaajiyo.

"Hadalka mudane Biden ma ahan mid ku haboon xafiis madaxwayne," ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa'id kadib Salaada Jimce ee shalay. Putin ayuu ku booriyey in uu ka bixiyo hadalkaas jawaab qurux oo ku haboon.

Ankara iyo Washington ayaa xulafo ku gaashaanbuurta NATO, balse Biden iyo Erdogan islama hadlin tan iyo doorashadii madaxwaynaha Mareykanka.

Putin ayaa Khamiistii ku jees jeesay hogaamiyaha Mareykanka, isaga oo hoos u dhigay hadalkaas wuxuuna u rajeeyay Biden, oo 78 jir ah, caafimaad wanaagsan.

"Waxaan sidaa u leeyahay waa bilaa macno, maahan kaftan," ayuu yiri Putin oo 68 jir ah isla markaana dalbadey wadahadalo uu la yeesho Joe Biden.

Biden ayaa sidoo kale waxaa la xasuustaa in dhamaadka 2019-kii uu "kelitaliye" ugu yeeray madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayib Erdogan.

In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin colaadda ka oogan waddanka Suuriya, oo ay ku kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda, Erdogan wuxuu Putin ugu yeeray "saaxiib iyo isbaheysi istiraatiijiyad".

Putin wuxuu cadeeyay "in macno ay leedahay in wadahadal lagu ilaaliyo xiriirka Ruushka iyo Mareykank, halkii laga eegi lahaa danaha ganacsiga," wuxuuna doonayay inuu shaaciyo si looga caawiyo dejinta xiisada ka taagan Biden "hadaladiisii aadka u xumaa", ayuu yiri afhayeenkiisa Dmitry Peskov.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM