"Bililiqo lagu bilaabay" xilalka iyo darajooyinka ciidanka DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Boob xoogan ayay wadaan mas'uuliyiinta sii haayayaasha ka ah xukuumadda kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sidda uu shaaca ka qaadey siyaasi xog ogaal ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa ka dhawaajiyey in la dalac-siiyey in ka badan 200 sarkaal ciidan, lana magacaabay tobanaan diblumaasiyiin heer sarre ah.

Sidda laga soo xigtay Warsame, magacaabidaan baalmarsan shuruucda waddanka waxaa lagu taxay xubno ku heeb [qaraabo] ah yihiin madaxda waqtiga kasii dhacayo.

Bishii hore Julaayo 25-keeda ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu riday xukuumadii Xasan Cali Khayre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu si ku meelgaarka ah xilka ugu dhiibay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in magacaabidaas ay sharci darro tahay, maadaama dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in xukuumadda ay sii shaqeyneyso inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee bedeleysa.

"Maxay keentay marka xukuumad sharci darro ah oo dalka ka talineysa? Waxa ay ku dhaqmeyso waxaa la yiraahdaa jenaan-boob Waxaa la kala boobayaa hantidii dowladda, waxaa la kala boobayaa mas'uuliyadihii iyo xilalkii dowladda, waxaa la kala boobayaa manaasibtii xataa garaadihii ciidanka ayaa boob lagu hayaa," ayuu Warsame u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Madaxweynaha wuxuu go'aansaday in uusan xukuumad dhisin si jenaan-boobkaas u sii socdo".

Talaabooyinka kale ee xisbiyadda iyo maamuladda qaar ka gadoodeen oo xukuumadda xil-sii-gaarsiinta ah ay qaadey waxaa kamid ah magacaabida Hay'adda Batroolka iyo Golaha Adeega Garsoorka.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay u yeertay Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada, kadib markii uu magacaabay tobanaanka diblumaasiyiin, isagoo aan latashi sameyn.

Cawad ayaa lagu waramay in uu ku sugnaa caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu ka sameeyay magacaabidan "sharci darada ah".

Sikastaba ha ahaatee, waa caado soo jireen ah marka la gaaro xilliga kala guurka in la magacaabo xilal lana dalacsiiyo saraakiil ciidan, waxaana ay arrimahaas kamid yihiin qorsheyaasha ay madaxda ku galaan ololaha coddeynta.

MUUQAALKA WARSAME

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM