​Booliiska Somalia oo maanta dabaal-dagaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Booliska dalka Somalia ayaa maanta u dabaaldegaya 73-sano sanadguuradii kasoo wareegatay aas-aaskooda.

Xaflado kala duwan, ayaa ka dhacaya qeybo kamid ah dalka, oo Muqdishu kamid tahay waxaana ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay Munaasabadooda Madax sare oo uu ku jiro MD Xasan Sheekh.

Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in askarta ay usoo dhabar-adaygeen marxalado kala duwan, oo Mushaar la'aan kamid yahay 20-kii sano ee laoso dhaafay.

"Ciidamada Booliska waa Saaxiibka kowaad ee Shacabka Soomalaiyeed, waxaana ay u taagan yihiin marwalbo inay difaacaan, kana hortagaan falalka ka dhanka ah amniga," Ayuu yiri Jen Xaamud.

Booliska Waddanka Somalia, ayaa la aas-aasay 20-kii Diseembar 1943-dii, kahor inta uusan dalka Madax-banaanadisa qaadan, wuxuuna howshiisa gabay markii la riday xukuumaddii Milatariga oo uu dillaacay dagaalkii sokeeye 1991.

Ciidamada Booliska oo hadda u muuqda mid dib usoo kabasho wada, ayaa waxaa taageero dhinacyada Tababarka, qalabka iyo Mushaarka ka helaan dowlado shisheeye oo Midowga Yurub kamid yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM