Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay lamaane caan ka ah Baraha Bulshada

Image
Lamaanahan ayaa caan ka ah Barta Tiktok, waxaana ku xiran dad kor u dhaafaya hal Milyan.

Muqdisho, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa xiray Cabaas iyo Faiaza oo ka mid ahaa dhalirada caanka ka baraha bulshada, waxaana maanta loo gudbiyay Taliska Booliska ee degmada Hodan.

Lamaanahan ayaa caan ka ah Barta Tiktok, waxaana ku xiran dad kor u dhaafaya hal Milyan, Waxayna beryahan dambe la kulmeen dhaleecayn badan oo ku saabsan muuqaallada ay duubayaan, kuwaas oo la sheega in ay ka hor imanayaan Qiyimka bulshada.

Waxaa lagu eedeeyay in muuqaalo anshax xumo ah ay jilaan ka dibna baraha bulshada ku baahiyaan, iyaga oo dhawaan soo dhigay muuqaal ay dhaleeceeyeen dadka ka faalooday.

Waxaa la filayaa in Cabbaas iyo Faiza dhawaan la horkeeni doono maxkamada go’aankeeda kasoo saari doonta, waxaana ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa iyo waqtigaas.

Booliska ayaa horey u xiray dad sidoo kale baraha bulshada soo dhigay muuqaalo anshax xumo ah, xilli la dhaliilayo saameynta aaladaha cusub ee baraha bulshada ay ku yeesheen dhaqanka iyo diinta Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM