Booliska Beledwayne oo xabsi u taxaabay saddex dhalinyaro

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Saddex dhalinyaro ah oo ay ku jirto haweenay ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay booliska magaaladda Beledwayne xabsi ugu taxabeen sababo aysan wali fahfaahin ka bixin.

Da'yartaas ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen shaqsiyaadka ugu caansan ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo tan iyo markii hogaan cusub loo doortay HirShabelle sanadkii hore ay xiisado xoogan ka taagnaayeen.

Sidda ay muujinayaan wararka laga helayo dadka degaanka, dhalinyaradaas ayaa lagu beegsaday in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka shir-beeleed ka dhacay Beledwayne loogana soo horjeeda maamulka HirShabelle.

"Wadatashigaas uusan jeclaysan maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa looga arrin-saday mustaqbalka gobolka Hiiraan iyo qaabka loosoo dooranayo Xildhibaanadda ku metalaya baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya loogana badbaadin lahaa afduub lagu sameeyo," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa uga gaabsaday sababo la xiriira ammaanka.

Diidmadda ka dhanka ah doorashadda Cali Guudlaawe oo ku yimid rabitaanka Villa Soomaaliya waxaa horkacaya Jeneraal Xuud, oo ah qurba-joog kasoo horjeeda gobolka Hiiraan oo musharax madaxweyne ahaa.

Mr Xuud iyo taageereyaashiisa ayaa abaabulay isu-soo-baxyo dadwayne oo ka dhan ah hogaanka Guudlaawe, waxaana ay is-hortaageen socdaalo uu madaxweynaha ku tagi lahaa magaaladda Beledwayne.

Bulshadda gobolka Hiiraan gaar ahaan dhinaca taabacsan Xuud ayaa ka gabadoodsan in aysan sanadkan helin xilka madaxweynaha HirShabelle, waxayna xuseen in ay xasilooni jiri doonin illaa "xuquuqda ay ka helaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM