Booliska Kenya oo sheegey iney gacanta ku hayaan nin dilal qirtey

Image

KENYA [ Garowe Online + Wakaaladaha]- Qof Somali ah oo Booliska dalka Kenya gacanta ku hayaan ayaa qirtey inuu yahay Xasan Hanafi, isagoo laga raadinayo dalka Somalia madaama uu diley saxafiyiin badan sidaas waxaa wakaalada AP u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada amniga dalkaas.

Ninkaan oo la qabtey horaantii bisha August ayaa wareysi badan oo lala yeeshay qirtey in magaciisa la yiraahdo Xasan Xanafi balse Booliska markii hore u sheegtey magaca la yiraahdo Yusuf Cabdisalan Yusuf. 

Sarkaal diidey in magaciisa la sheego ayaa saxaafada u sheegey in dowladda Somalia ka codsatey dowladda Kenya in Xanafi loo soo wareejiyo Muqdishu madaama dambiyo farabadan ka galey halkaas.

Way adag tahay in Hanafi la ogaado halka uu ka yimid balse waxaa muuqata inuu haysta waraaqaha aqoonsiga dalka Kenya oo rasmiya halka dhinaca Somalia ay adag tahay in la ogaado farahiisa..

Xanafi ayaa mardambe qirtey inuu waraaqaha aqoonsiga dalka Kenya ku heley si sharci daro ah.

Xasan Xanafi ayaa wadanka Kenya u  yimid daawo March 14,2014 kadib markii dhaawac kasoo gaarey qarax Muqdisho ka dhacey 2013.

Ninkaan ayaa dowladda Somalia ku sheegtey inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab isagoo dilal farabadan saxafiyiin farabadan kuwasoo lagu diley magaalada Muqdisho.

Somalia ayaa ah halka ugu khatar badan caalamka marka loo eego amaanka saxafyiinta iyadoo dilalkooda kor u kaceen sanadihii u dhexeeyey 2012-20013.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM