Booliska oo "is-hortaagay" xaflad kagu taageerayay murashax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Murashax madaxweyne Mustaf Dhuxulow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ciidanka booliska ay is-hortaageen munaasabad lagu taageerayay taasoo lagu wadday in ay ka dhacdo magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Dhuxulow oo shir jaraa'id qabtay ayaa tilmaamay in munaasabadda ay soo qabanqaabiyeen taageereyaashiisa laguna wadday in ay ka dhacdo Huteel Afrika ayna ku casuumanaayeen 500 dhalinyarro ah.

Is-hor-taaga lagu sameeyay munaasabadii lagu taageeri lahaa ayuu qeexay in ay qayb ka tahay qorsheyaal ay madaxda waqtiga kasii dhacayo doonayaan in ay ku caburiyaan murashaxiinta madaxtinimadda.

Madaxweyne Farmaajo, taliyaha nabad-sugida Fahad Yaasiin Daahir iyo hogaanka waddanka ayuu ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn in waddanka ka qabsoonto doorasho heshiis lagu wadda-yahay.

"Waxaa cad in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in aanu ogoleyn in doorashada lagula tartamo oo uu rabo in si kelitalisnimo ah dalka ku heysto," ayuu ka sheegay shirkiisa jaraa'id.

Taliska booliska iyo dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga timid murashax madaxweyne.

Sheegashada Dhuxulow ayaa imaaneysa xilli Midowga Murashaxiinta ay sheegeen in dowladda ay gelinkii hore ee Khamiista ciidamo duldhigtay qaar kamid ah xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka arrintaas oo ay ku sifeeyeen "daandaansi cawaaqibka ka dhasha uu mas'uul ka noqonayo madaxweyne Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM