Booliska oo ka warbixiyey meydadka laga helay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah wuxuu xaqiijiyey in haweenkii meydadkooda xalay lagu arkay degmadda Dayniile ee magaaladda Muqdisho ay ka tirsanaayeen Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka ee muddo xileedkeeda uu dhamaadey.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay taliska bileyska oo ka dhawaajiyey in uu baaris ku bilaabay dhacdadaas, maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la tuhunsan-yahay in ay ka dambeeyeen falkaas.

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in haweenka ay kamid ahaayeen kooxda nadaafadda ka shaqeysa ee Wasaaradda ku taala degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir.

"Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha argagixisadda ah," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in dableyda falkaas ka dambeysay ay ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan tagin ciidamadda ammaanka oo baaritaan ku bilaabay toogashadda.

Marka laga soo tago eedeynta dowladda Soomaaliya, xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaan wali ka hadlin dilkaas.

Xilli waddanka uu dhexda kaga jiro jahwareer siyaasadeed iyo hubanti la’aan dhanka doorashooyinka soo aadan ah, beegsiga mas'uuliyiinta, shaqaalaha iyo xubnaha ku dhow ayaa soo batay muddooyinkii u dambeeyay, talaabadaas oo xoojisay walaaca ka jira xaaladda ammaan ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM