Booliska Soomaaliya oo miino ku qarxiyey magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa maanta lagu waramay in ay magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga xarunta Jaamacadda Umadda faraceeda Gaheyr ay ku qarxiyeen Miino.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay howlgalka lagu qarxiyey Miinadda oo lagu aasay qoob qashinka lagu daadiyo oo halkaas ah.

"Miinadda kolkii hore waxaa la tuhunsanaa in ay saddex xabo tahay. Laakiin, hal xabo ayay noqotay waxaana lagu aasay goob qashin qub ah oo darbiga Jaamacadda ku aadan," ayay sheegeen.

Ma cadda bartilmaameedka weerarkaas. Sidoo kale, waxaanan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xilli qorshuhu yahay in ardayda Jaamacadda ay dhowaan u fadhiistaan Imtixaanaadka. Sidda ay wararku xusayaan, maamulka wuxuu ku fekerayaa in aan online lagu qaban.

Qaar kamid ah jaamacadaha dalka ayaa Imtixaanaadka ku qabtay qaab online ah sabab la xiriirta Coronavirus, hase ahaatee, Guddiga sarre ee tacliinta Jaamacadda Ummadda ayaanan wali go'aan ka gaarin.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa horey u bartilmaameedsatay arday dhigata Jaamacadda Umadda iyo qaar kale oo qorsheynayay in ay iska diiwaan-geliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM