Booliska Soomaaliya oo qabtay xubin ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtey xubin ka tirsan Al-Shabaab isla markaana burburiyey shabakado ka tirsanaa xoogagaas, sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka taliska.

Dhame Sadiiq Adan Cali [Duudishe] oo maanta xafiiskiisa ugu waramay saxaafada ayaa magaca xubinta Shabaabka oo ay qabteen ku sheegay Xasan Cabdullaahi Salaad oo magaciisa afgarashadda uu yahay Bukhaari.

15-kii June, 2020 abaare 11-kii barqanimo ayuu xusay in ay kasoo xireen aaga Tabakaaya-madow ee degmadda Dharkenley.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, wuxuu u howlgalayey Amniyaat-ka Al-Shabaab ahaan. Sidoo kale, wuxuu kasoo dagaalamay gobolka Hiiraan. "Laba dhagar-qabe kale ayaa lala soo xiray iyagoo fal-dambiyeed ku jira".

Ma caddeyn hadii ay sameeyeen iska hor-imaad ka dhashay waxyeelo soo gaarey ciidamadda soo qabtay iyo eedeysaneyaasha qudhooda.

Dhanka kale, shabakado Al-Shabaab ka tirsan ayuu ka dhawaajiyey in 30-ka bishii May, 2020 ay ciidamadda bileyska ku burburiyeen isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaala madaxda iyo degmada Dharkenley.

Afhayeenka ayaa daaha ka rogay in shabakadaan ay adeegsan jireen Istuudiyow lagu cayaaro Jeeska "oo ay ku qarin-jireen howlgaladooda".

Hase ahaatee, ma uusan soo bandhigin magacyadda iyo tiradda shabakadaha. Su'aallo arrintaas laga waydiiyeyna kama jawaabin.

"Dhamaantooda waxay ku jiraan gacanta hay'adda dambi-baarista, waxaana ka horgeyn doonaa maxkamadda sharciga u leh," ayuu xusay.

Booliska Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sheegay in uu xoojiyey howlgaladda lagu xasilinayo ammaanka magaala madaxda kahor doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee loo qorsheeyay sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM