Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay "haweeney gubtay" saygeeda

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in falkan uu ka dhacay degmadda Yaqshiid.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu soo bandhigay haweeney la sheegay in ay saygeeda ku gubtay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in falkan uu ka dhacay degmadda Yaqshiid taariikhdu markay ahayd 16/2/2024.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.

Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh.

Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM