Booliska Soomaaliya oo xiray wariye ka tirsan idaacadda Goobjoog

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in Talaadada maanta ay xabsi u taxaabeen wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, sidda ay xaqiijisay xaruntiisa.

Ma cadda sababta loo xiray Gurbiye oo la tilmaamay in su'aallo lagu waydiinayo saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gurbiye ayaa ah agaasime ku xigeenka Shirkadda Warbaahinta Goobjoog oo ka kooban; idaacado, telefishin iyo mareegyo.

Sidoo kale, sidda ay ku warantay xaruntiisa, waxa uu yahay tirfaftiraha guud ee website-ka maxaliga ah ee Goobjoog News.

Laamaha ammaanka ayaa nan wali fahfaahin buuxda ka bixin xariga lagula kacay saxafiga. Xiriiro lala sameeyay kama jawaabin.

Goobjoog Media Group ayaa safka hore kaga jirta warbaahinada gudaha Soomaaliya ee si xoogan u baahiya wararka liddiga ku ah dowladda Farmaajo tan iyo markii la doortay sanadkii 2017-kii.

Xariga Gurbiye ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii uu bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku baahiyey in madaxweyne Farmaajo uu "qaatay" qalabka neefashada dadka uu haleelo Coronavirus.

Ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, balse dad badan oo ka falceliyey qoraalkiisa ayaa arrintaas waydiiyey.

Wasaarada Caafimaadka federaalka ah ayaa waxay shaaca ka dhigtay in dalka lasoo gaarsiiyey qalabkaas, waxayna tilmaamtay in loogu deeqay Isbitaal Martiini oo loo asteeyay in uu noqdo xarunta karantiilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM