Booqashadii Erdogan ee Muqdisho oo dib u dhacday

Image

January 23, 2015 (GO)- Booqasho maanta oo Jimce ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ku imaan lahaa magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacdey.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dib-udhaca wafdiga Erdogan la xiriiro geerida boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdallah Binu Cabdulcasiis Aalu-sacuud oo xalay ku dhintey isbitaal ku yaalla Riyadh.

Madaxweynaha Turkiga oo 24tii saac ee ugu dambeeyey ku sugnaa xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa saacadaha soo socda u duulaya Sucuudiga si uu uga qayb galo aaska Boqor Cabdallah oo dhici doona gelinka dambe ee maanta.

Madaxda ka qayb geli doonta janaasada waxaa kamid ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagana la filayo inuu salaada Jimcaha kadib u duulo magaalada Riyadh.

Cabdallah Bin Cabdulcasiis oo ahaa boqorkii lixaad ee boqortooyada Sucuudiga, wuxuu xukunka la wareegey sanadkii 2005, markaasoo uu geeriyoodey walaalkiisa Boqor Fahad Bin Cabdulcasiis Aalu-Sacuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM