Boqollaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baardheere ku wajahan

Image

July 9, 2015 (GO)- Boqollaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ku wajahan degmada Baardheere, halkaas oo xiligan kooxda Al-shabab ka arrimiso.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya ku daraya in ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 3,000 oo askari ay wataan hub culus iyo gaadiidka dagaal oo taangiyo iyo beebbeyaal u badan, waxayna arrintani kusoo aadeysaa todobaad kadib markii Al-shabab qabsatay deegaano dhowr ah.

Dhowaan ayey ahayd markii saraakiil ka tirsan dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland u sheegeen warbaahinta in ciidamadaasi ka qayb qaadan doonaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Somalia si ay u bedelaan kuwii ka socday dalka Sierra Leone ee ka baxay Somalia, kaddib markii dalkoodu uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola.

Ciidamada AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadey gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM