Bosaso: askari dad rayid ah rasaas ku furay

Image

May 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmey rasaas caawa salaaddii cishaha kaddib ka dhacdey agagaarka Masjid Faadima ee magaalada Bosaso gaar ahaan halka loo yaqaan Kadhadda.

Goob jooge codsadey inaan magaciisa la shaacin ayaa Garowe Online u sheegay in rasaasta uu furay askari ka tirsan ciidamo boolis ah oo halkaas habeenkii ka sameysta bar-kantarool oo lagu baaroo gaadiidka.

Askariga ayaa ka shekiyey nin kamid ah dadkii kasoo baxay masjidka wuxuuna ku amray inuu istaago, balse ninka laga shekiyey oo magaciisa lagu sheegay Gurxan ayaa ka dhega adaygey inuu istaago, dabeedna askariga ayaa xabbad furey.

Rasaasta waxaa ku dhaawacmey saddex qof oo midkood yahay qofkii diidey inuu joogsado iyo labo nin oo kale, kuwasoo fadhiyey maqaayad ku taalla kasoo-hor-jeedka goobta falku ka dhacay.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa saacado kadib markii la beddeley maamulkii hore ee gobolka Bari iyo degmada Bosaso, kuwaasoo lagu soo eedeeyey waxqbad la'aan iyo inay ka gaabiyeen sugidda ammaanka magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Interpol oo DFS ku wareejisay Agaasimihii Hore ee Isbitaalka Qardho oo Lagu Eedeeyay Kufsi

Wararka kale ee la xiriira kiiskan ayaa sheegaya in eedeysane kale oo lala xiriirinayo falka uu haatan ku xiran yahay magaalada Garowe.

  • Soomaliya

    19-10-2025

  • 12:23PM

Puntland: 15 Kalluumaysato oo Iran u dhashay oo Dalkooda lagu celiyay

Markabka la isticmaalay howlgalkan ayaa lagu ciqaabay ganaax lacageed dhan 70,000 oo dollar.

  • Soomaliya

    19-10-2025

  • 09:45AM