Britain oo baaq kasoo saartey xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay furaan saaxada siyaasadda ayna ogolaadaan aragtiyaha kala duwan kahor doorashooyinka 2020-21, sidda ay soo jeedisay boqortooyadda waddanka Ingiriiska.

James Roscoe, diblumaasi ka tirsan howlgalka Britain ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ka hadlay fadhi Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa ku taliyey in coddeynta noqoto mid daahfuran.

"Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan," ayuu ku nuux-nuuxsaday diblumaasiga.

Madaxda Soomaaliya ayuu ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan sidii ammaanka u noqon lahaa mid aan faraha ka bixin inta lagu guda jiro doorashooyinka si looga hortago weeraro ka yimaadda maleyshiyada Al-Shabaab.

Mr Roscoe ayaa hoosta ka xariiqay "in ay mudan tahay in wax badan laga walaaco" weerarada sii koraya ee argagixisada ku beegsaneyso kooxaha samafalka iyo waxyeelada kasoo gaareysa dad shacabka ah.

"Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadanimada," ayuu ku daray.

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ergayga Qaramada Midoobay u jooga Muqdisho, James Swan iyo wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Medirea ayaa kasoo muuqdey fadhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM