Britain oo taageeraysa doorasho xor ah oo ka dhacda Somalia

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Dowladda Britain ayaa sheegtay inay ka go'antahay taageerada ay siinayaan dowladda Somalia iyo xoojinta hiigsiga lagu doonayo in dalka ka dhacdo doorasho xor ah sannadka dambe.

Danjiraha Somalia ee Ingiriiska Harriet Mathews oo ka hadlaysay shir jara'id oo ay ku qabatay Muqdishu ayay tilmaamtay inay doonayaa qabsoomidda doorasho dhacda 2016.

Ciidamada Britain Somalia u soo dirayso ayay ka hadashay, waxayna sheegtay inaysan noqon doonin kuwo ka dagaalama balse bixin doonaan tababaro iyo xogo ku aadan dagaalka Dowladda Somalia kula jirto ururka Al-Shabaab.

Harriet Mathews ayaa xustay inay ka go'antahay dowladda Britain gargaarka bini-adanimo oo la siinayo shacabka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii dalka Ingiriisku shaaciyay inay u dirayso Somalia ciidamo, xilli beesha caalamku waddo dadaalo lagu doonayo sidii  dalka Somalia uga dhici lahayd doorasho, maadama xukumadda hadda jirta ku guuldarrayastay inay dhacdo sannadka dambe doorasho hal qof iyo cod ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM