Burcad-badeed markab ku weerartay nawaaxiga biyaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Markab ku safrayey calanka Ingiriiska ayna leedahay shirkadda Stolt Tankers ayaa lagu waramay in Axadii lagu weeraray inta u dhaxeysa biyaha Soomaaliya iyo Yemen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Stolt Tankers ayaa lagu sheegay in lix dabley ah oo watay laba doon oo nooca dheereeye ah ay weerareen markabka Stolt Apal abaare lixdii duhurnimo ee shalay.

Iska hor-imaad dhexmaray kooxaha hubeysan iyo ilaalada markabka ayaa sababay burburka mid kamid ah doonyaha iyo waxyeelo soo gaarey qayb kamid ah markabka, sidda ku xusan bayaanka.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in isku-dhaca uusan ka dhalan waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo soo gaarey ilaalada markabka.

Sidda laga soo xigtay qoraalka shirkadda, maraakiib dagaal oo huwan ah oo u soo gurmaday markabka ayaa sababay in uu sii wato safarkiisa isla markaana ay ersadaan dableyda.

Inkasta oo aysan jirin illo madax-banaan oo xaqiijinaya, maamulka shirkadda ayaa rumeysan in dableyda ay ahaayeen "burcad-badeed".

Markabka Stolt Apal ayaa Talaadadii lasoo dhaafay kasoo baxay magaalada Sacuudi Carabiya ka tirsan ee Jubail. Balse illaa iyo haatan lama soo bandhigay shixnada uu sido iyo halkuu kusii jeedo.

2008-dii ayay ahayd markii markab kale oo ay leedahay isla shirkadan oo lagu magacaabo Stolt Valor ay afduubteen shufta-badeed Soomaali ah, kuwaas oo sii deyntiisa ku qaatay madax-furasho.

Waa dhacdadii Sagaalaad oo tan iyo bilowgii sanadkan 2020 lagu beegsado maraakiib mareysa Gacanta Cadan, sidda ay ka dhawaajisay shirkadda arrimaha ammaanka badaha ee Dryad Global.

Xeebaha Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay uu hoos u dhac ku yimid bartilmaameedsiga maraakiibta waxaa ku sugan ciidamo ka socda 30 waddan oo loogu talagalay la dagaalanka burcad-badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM