Burcad madax-furasho ku sii daaysay ajaanib saarnayd markab laga leeyahay dalka Taiwan

Image

Kooxaha Burcad-badeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah sii daayay 26 Badmaaxiin, mudo 4 Sano ah ay ku haysteen Bariga gobolka Mudug, kadib markii la siiyay 3 Million oo Doolar oo Madax-furasho ah.

La haystayaasha lasoo daayay, ayaa waxay gaarayaan 26 kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka China, Philippine, Vietnam, Cambodia, Bangladesh, Sri Lanka, India iyo Indonesia.

Dadkan ayaa la socday Markab lagu magacaabi Nihaam 3, kaasi oo kasoo  shareecaday Dalka Oman, sanadkii 2012, waxaana lagu afduubay Xeebta wadanka Soomaaliya.

Markabka Kalluumaysiga Naham 3, ayaa waxaa laga leeyahay dalka Taiwan. 

Saddex kamid La-haystiyaasha ayaa ku dhimatay gacanta Bur-badeeda Soomaalida.

Lacagta lagu sii daayay dadkan ayaa waxay ka timid dowladaha ay u dhasheen iyo Qoysaskooda, waxaana loo duuliyay dalka Kenya, oo ay uga sii gudbi doonaan dalalkooda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia, taasoo ku aadan dadkan maanta la sii daayay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan maraakiib wali ku sugan Biyaha Somalia, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Burcad Somalia ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM