Buuq ka dhashay jadwal cusub oo laga soo saarey doorashada

Image
Labadaan guddi Doorasho ayaa ka digay in caqabad horleh lagu beero doorashada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT maamuladda Galmudug & Koofur Galbeed ayaa diiday jadwalka uu soosaaray Guddiga doorashooyinka heer federaalka ee FEIT, kaas oo qeeyay xilliga laga soo gabangabaynoya shaqada guddiga lana dhaarinayo xildhibaanada golaha shacabka.

Guddiyada labada Dowlad-Goboleed ee soo gabagabeeyay doorashada Xildhibaannada loo qoondeeyay ayaa ku dooday in jadwalka uu soosaaray FEIT lagu jaangoyn karo marka uu kulan yeesho Golaha Wadatashiga Qaranka sida ay hadalka u dhigeen.

SEIT Galmudug & Koofur Galbeed oo qabtay Doorashada kuraas uu hakiyay Guddiga heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban qaabilsan ayaa ku dooday in iyada oo la raacayo nidaamka federaalka Dalka uu qaatay wadajir loo go’aaminayo jadwalka.

Labadaan guddi Doorasho ayaa ka digay in caqabad horleh lagu beero Doorashada Soomaaliya oo heer Gabagabo ah taasi oo ka dhalan karta go’aan aan wadajir loo qaadan uu ku dhaqaaqo Guddiga FEIT Sida qoraalka loo dhigay.

"Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka. Hadaba, Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka SEIT Galmudug kasoo baxay.

Dhanka Koofur Galbeed qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri: "Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017".

Go’aamada kasoo baxa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Federaal iyo diidmada guddiga heer Dowlad-Goboleed ayaa muddooyinkii dambe taagnaa, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu war kasoo saaro Doorashada Dalka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo dowladda Mareykanka ay ku amaanay Koonfur Galbeed iyo Galmudug sida ay u soo dhameystireen hanaanka doorashada, waxa ayna rajo xumo ka muujiyeen fashilka Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ay ku waayeen waqtigii loogu talagalay ee 15-ka March.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM