Cabdi Saciid: Waa in hay'adaha DF laga talageliyo dib u habeynta amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - La-taliyaha amaanka qaranka Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Saciid Cali, ayaa shardi ka dhigay in lala tashado, lagana qeybgeliyo hay'adaha DF dib u habeynta amniga, oo dalal shisheeye ay ka shaqeynayaan.

Qoraal uu soo dhiga bartiisa Twitter-ka xalay ayuu ku yiri: "Waxaan ka mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee saaxiibadda beesha caalamka, oo aan rumeysanahay inay kaalin ka qaadaynaysa horey u socoshada".

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Hay'adaha Soomaaliya waa in laga talo-geliyaa, si muuqatana ugu lug lahaadaan dejinta iyo hirgelinta dib u habeynta amniga".

Hadalkan ayuu Cabdi Saciid soo saarey daqiiqado kadib markii qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Safaaradda Mareykanka lagu sheegay in musuq-maasuqa iyo nin jeclaysiga ka jira Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dib u hebynta Soomaaliya, sidoo kalena ay awood siinayso cadowga dalka.

Dowladda Mareykanka oo ah deeq-siiyaha ugu weyn Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay taageero la garab taagan tahay hagaajinta hay'adaha amniga, si dalka iyo dadkuba u helaan mustaqbal ifaya.

Safaaradda Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe soo saareysay qoraallo isagu jira baqdin-gelin iyo guubaabo, si ay culeyska u saartay in dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira ay hogaamiyeyaasha xal uga gaaraan.

Washington ayaa kamida damaanad-qaadeyaasha in ay dhaqan-gelayaan go'aanada siyaasadeed ee kasoo baxa wadaxaajoodka Khamiista u furmaya madaxda dowlada federaalka ah iyo maamulada kaasoo ka qabsoomaya Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM