Cabdi Xaashi oo diidey qorshe ay damacsaneyd Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si cad u sheegay in uusan ogoleyn in dowlada door ku yeelato xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Axada maanta ah soo saarey qoraal ka kooban laba bog ayaa daaha ka rogay in kaalin ay qaadato dowladda dhexe ay wiiqeyso madaxbanaanida geedi u socodka coddeynta.

Dhawaqaan ayaa kusoo hagaagaya xilli muddooyinkii u dambeeyay uu jiray is-mari-waa ka taagan magacaabida guddiga doorashada xubnaha labada gole ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Sidda ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, Villa Soomaaliya ayaa quudareyneysay in ay farageliso doorashadda si ay ugu soo saarto xubno Farmaajo-doon ah isla markaana codkooda ugu shuba coddeynta 2020-21.

Farmaajo oo fulin waayay balanqaadyadiisa 2017-kii ayaa mar kale waxaa ku jira damac ah in uu difaacdo kursigiisa doorashada soo aadan.

Kuraasta gobolada waqooyi ama Somaliland ayaa kamid ah ayaa ku jira qaanada go'aamiya cidda noqoneysa madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo aadan marka laga bilaabo bisha Febraayo, 2021-ka.

Inkasta oo tan iyo 1991-dii ay sheegtaan in ay ka madaxbanaan yihiin Soomaaliya inteeda kale, Beesha Caalamka ayaa wali u aqoonsan Somaliland maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM