Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warqad u diray wakiiladda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa warqad ku taariikheysan 13-ka November wuxuu u diray wakiiladda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda warqada loo diray ayaa kala ah; James Swan, ergayga Qaramada Midoobay u jooga Muqdisho, iyo Fransisco Medirea, madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna hogaanka taliska AMISOM.

Xaashi ayaa warqadiisa wuxuu ku ogeysiiyey safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga si lamid ah howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Gudoomiye Xaashi ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka ah in ay qaab sharci darro ah u magacaabeen guddiga doorashooyinka Xildhibaanada gobolada waqooyi isla markaana damacsan yihiin goob xoogan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayuu si gaar ah u magacaabay.

Diblumaasiyiinta ayuu cod dheer ugu baaqay in ay soo farageliyaan xaalada kahor inta aysan faraha kadib isla markaana cawaaqib xun aysan sababin.

Tabashadda laga muujiyey guddiyadda doorashooyinka 2020-21 ayaa waxay taagneyd muddooyinkii ugu dambeeyay waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyso jadwalka iyo guud ahaan geedi u socodka coddeynta soo aadan.

Qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM