Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warqad u diray wakiiladda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa warqad ku taariikheysan 13-ka November wuxuu u diray wakiiladda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda warqada loo diray ayaa kala ah; James Swan, ergayga Qaramada Midoobay u jooga Muqdisho, iyo Fransisco Medirea, madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna hogaanka taliska AMISOM.

Xaashi ayaa warqadiisa wuxuu ku ogeysiiyey safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga si lamid ah howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Gudoomiye Xaashi ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka ah in ay qaab sharci darro ah u magacaabeen guddiga doorashooyinka Xildhibaanada gobolada waqooyi isla markaana damacsan yihiin goob xoogan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayuu si gaar ah u magacaabay.

Diblumaasiyiinta ayuu cod dheer ugu baaqay in ay soo farageliyaan xaalada kahor inta aysan faraha kadib isla markaana cawaaqib xun aysan sababin.

Tabashadda laga muujiyey guddiyadda doorashooyinka 2020-21 ayaa waxay taagneyd muddooyinkii ugu dambeeyay waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyso jadwalka iyo guud ahaan geedi u socodka coddeynta soo aadan.

Qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM