Cabdi Xaashi oo "ka qeybgalaya" shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ogeysiiyey madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, in uu ka qeybgalayo shirka Dhuusamareeb.

Qoraalka Cabdi Xaashi u diray Qoor-qoor waxaa ogeysiis lagu siiyey madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda oo qudhooda kasoo muuqanaya wadahadalka.

Ma cadda hadii Cabdi Xaashi uu casuumaad rasmi ah u haysto ka qeybgalka wadaxaajoodka oo qorshuhu yahay in todobaadkan uu ka bilowdo magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Mr Xaashi ayaa wargelintiisa ka qeybgalka shirka wuxuu u cuskaday maadaama qodobadda khilaafka ka taagan yahay ay kamid tahay qadiyadda xulista wakiilada Somaliland oo isaga uu degaan ahaan uu kasoo jeedo.

Dhawaqa Cabdi Xaashi ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii Midowga Musharaxiinta ay ku baaqeen in la balaariyo ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb fursadna la siiyo saamileyda uu Cabdi Xaashi kamid yahay.

Xaashi iyo Musharaxiinta ayaa kulmay Axadii. Warar ku dhow shirka waxay sheegayaan in ay isla soo qaadeen in uu ka qeybgalo shirka Dhuusamareeb si qadiyada xubnaha Somaliland uu xalkeeda door ugu yeesho.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa afhayeenka Senate-ka waxaa kala dhaxeeya xiriir aanan wanaagsaneyn, waxaana uu ka hor-yimid qorshaha uu Farmaajo ku doonayo in uu doorashadda soo aadan ku difaacdo kursiga uu ku fadhiyo.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM