Cabdi Xaashi oo si adag uga hor-yimid hadal kasoo yeeray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u naqdiyey hadal uu shalay Golaha Shacabka ka sheegay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Axada maanta ah ka hadlay fadhi uu Senate-ka ku yeeshay Muqdisho ayaa xusay in hadaladaas ay muujinayaa in Farmaajo uu si ku talogal ah ugu tuntay dastuurka.

Hadalka uu Xaashi sidda xoogan u cambaareeyay ee uu ka dhawaajiyey Farmaajo ayaa ah in uu Golaha Shacabka kusoo celin doono go'aan walba oo kasoo baxa wejiga saddexaad ee wadahadalka Dhuusamareeb.

"Madaxweynaha miyuusan ogeyn in dalka uu madaxwyenaha uu qaatay nidaamka federaalka oo ay tahay in uu yeesho laba gole – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre," ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: "Madaxweynaha hadii uusan akhrin dastuurka, waxaan u soo jeedinayaa in uu akhriyo [si uu u ogaado]".

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in Senate-ka uu metelo dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Dowladnimadeenu ma ahan golaha shacabka, dowladnimadeednu waxay ka kooban tahay saddexdaas hay'addooda [Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka]…waxaan leeyahay sharciga cid ka sareysa ma jirto; sharciga cidii ku xadgudubta sharcigaa qabanaya," ayuu ka dhawaajiyey.

Villa Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu soo dhawaaday dhamaadka muddo xileedka dowladda Farmaajo isku dayeysay in ay go'doomiso Aqalka Sarre oo diidey damaca madaxda oo ah in ay kororsi sameystaan.

Madaxtooyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa raadinaya dheereysi, iyagoo ku oor-kacsanaya qabashada coddeyn qof iyo cod ah.

Aqalka Sare oo horey u taageerey wadaxaajoodyadda caasimada Galmudug ayaa ku baaqay in ay waqtigiisa lagu qabto isla markaana madaxdu wadanka ka shaqeyso miradhalkiisa kana soo baxaan "go'aan wax ku ool ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM