Laftagareen oo magacaabay guddi soo xulaya Xildhibaano

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa maanta oo Isniin ah magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Lafta Gareen kuna taariikheysan 10-ka Febraayo 2020 ayaa lagu soo bandhigay xubnahaan.

Xubnaha guddiga oo wadar ahaan ka kooban tobban ayaa saddex kamid ah waxay yihiin haween, taasoo ah qoondada dumar ee %30.

Sidda ku xusan warqadda, Maxamed Keerow Maxamed ayaa gudoomiye u ah guddiga, halka Nuuradiin Ibraahim Aadan uu yahay ku xigeen. Aadan Maxamed Cali waxaa laga dhigay xoghayaha.

Hoos ka akhriso magacyadda oo idil

Maxamed Keerow Maxamed, gudoomiyaha
Nuuradiin Ibraahim Aadan, ku xigeen
Aadan Maxamed Cali, xoghaye
Mowliid Xasan Axmed, xubin
Jeylaani Maxamed Cowf, xubin
Faadumo Maxamed Axmed, xubin
Aamin Cumar Maxamed, xubin
Cumar Cali Isaaq, xubin
Faarax Sheekh Maxamed, xubin
Caasha Cali Ibraahim, xubin

Magacaabistaan ayaa imaaneysa iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay uu muran ka taagnaa hanaanka loo marayo soo xulista mudaneyaasha, taasoo illaa iyo haatan aan la shaacin hadii xal waara laga gaarey.

Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay in doorashadii Laftagareen loo adeegsaday laaluush, waxayna sheegtay in Villa Soomaaliya ay ku bixisay malaayiin Doolar sidii ay u soo saari lahayd siyaasi taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM