Cabdikariim Guuleed oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Image

June 4, 2015 (GO)- Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka cusub ee  Galmudug, kadib doorasho maanta oo Sabti ah ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Doorashada oo saddex wareeg yeelatay islamarkaana lix murashax ku tartameen, waxaa ugu dambeyntii kusoo baxay Cabdikariim Guuleed oo helay codadka 49 kamid ah 89 xildhibaaan oo codeysey.

Guuleed ayaa ka adkaadey Axmed Macallin Fiqi oo ay wareegii saddexaad ee ugu dambeeyey ku tartameen. Murashax  Fiqi ayaa helay 40 cod, waxaana looga adkaaday sagaal cod oo qura.

Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, ayaa waxaa hal mar hoolka doorashadu ka socoto qabsadey sawaxan u badnaa sacab iyo mashxarad.

Cabdikariim Guuleed wuxuu horay usoo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna taageero weyn ka haysta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo iyadana dhowr murashax ku tartami doonaan ayaa mar dhow la gudo gelayaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM