Cabdikariim Guuleed oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Image

June 4, 2015 (GO)- Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka cusub ee  Galmudug, kadib doorasho maanta oo Sabti ah ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Doorashada oo saddex wareeg yeelatay islamarkaana lix murashax ku tartameen, waxaa ugu dambeyntii kusoo baxay Cabdikariim Guuleed oo helay codadka 49 kamid ah 89 xildhibaaan oo codeysey.

Guuleed ayaa ka adkaadey Axmed Macallin Fiqi oo ay wareegii saddexaad ee ugu dambeeyey ku tartameen. Murashax  Fiqi ayaa helay 40 cod, waxaana looga adkaaday sagaal cod oo qura.

Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, ayaa waxaa hal mar hoolka doorashadu ka socoto qabsadey sawaxan u badnaa sacab iyo mashxarad.

Cabdikariim Guuleed wuxuu horay usoo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna taageero weyn ka haysta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo iyadana dhowr murashax ku tartami doonaan ayaa mar dhow la gudo gelayaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM