Cabdisaciid oo telefoonka kula hadlay saraakiil Mareykan ah

Image
Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay Washington ay dhowaan ku hanjabtey xayiraadyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Molly Phee.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaa wadahadalka ku wehliyey Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika, David Satterfield.

Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa "diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika".

Bayaanka wasaaradda oo lagu shaaciyey ciwaanka Facebook-ga ayaa lagu yiri "Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali wuxuu uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya".

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in dhinacyadda ay isla soo qaadeen fariimihii ugu dambeeyay ee Washington kasoo saartey xaalada Soomaaliya si gaar ah doorashooyinka sida weyn u daahay.

"Wakiiladda Mareykanka waxay adkeeyeen sida ay uga go'an tahay dhaqan-gelinta hanjabaadahooda haddii aan loo hogaansamin heshiisyadii u dambeeyay ee doorashooyinka," ayay sheegeen illo madax-banaan.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Washington ay dhowaan laba jeer ku goodisay in ay xayiraadyo dhanka socdaalka ah kusoo rogi doono Soomaaliya haddii dib-u-dhac kale uu ku yimaado jadwalka doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM