Cabdiweli: "si niyad ah ayaan uso dhoweynayaa go'aankii barlamaanka"

Image

December 8, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee labo maalmood kahor baarlamaanku kalsoonida kala laabtey ayaa markii ugu horeysey ka hadlay sida uu u arko go'aanka baarlamaanku ku eryeen xukuumaddiisa oo lasoo dhisay bishii January ee sanakan 2014.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Cabdiweli Sheekh Axmed ayuu ku sheegay inuu si niyad ah usoo dhoweynayo islamarkaana raali ka yahay tallaabada ay xildhibaanada baarlamaanku qaadeen.

Ra'iisul Wasaarauhu wuxuu sidoo kale hambalyo u diray xildhibaanada isagoo uga mahadceliyey sida degenaanta leh ee ay uga doodeen codkana ugu qaadeen mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sida uu sheegay shaqo baaxad leh ay soo wada qabteen iyo xubnaha golihiisii wasiirada ayuu iyagana u mahadceliyey, isagoo taas ka hadlayeyna wuxuu yiri:

"waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay. Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay" ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u jeediyey umadda Soomaaliyeed meel kastaoo ay joogto, wuxuuna ku boorriyey inay midnimadooda iyo isku duubnidooda mar walba xoojiyaan kana fogaadaan khilaaf iyo wax kasta oo jiritaanka qaranka halis gelin kara.

Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa lasoo magacaabay bishii December 2013, xukuumadiisa oo 55 xubnood oo wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowleyaal isugu jira ka koobnayd wuxuu soo dhisay Januray 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM