​Cabdullaahi Goodax Barre oo la doortay

Image

JOWHAR, Somalia- Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ku guulaystay Kursiga Aqalka hoose kadib tartan adag oo uu la galay Musharaxiinta taageero ka haysta Villa Somalia.

Goodax Barre, oo kamid ah Mas'uuliyiinta sida aadka ah u dhaliila Siyaasadda Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Xasan Sheekh ayaa helay 32, waxaana uu ka adkaaya 3 Musharax oo kale.

Doorashada Kursiga uu maanta ku guulaystay Mr Goodax ayaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigay muran ka taagnaa Ergada Doorashada, oo la sheegay in magacayadooda la bedalay.

Mudanahan, oo intii uu dhaxaysay 2014 ilaa 2015 soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa la sheegayaa in uu taageero ka helayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Guusha Goodax ayaa dhabarjab waxay ku tahay Xasan Sheeekh, oo markale u tartamayo Xilka Madaxweyne, kadib markii ay 4-tii sano ee sharciga ka dhamaatay September 2016.

Sidoo kale, waxaa maanta Jowhar lagu doortay Mina Xasan Maxa'ed oo ah Haweenay Ganacsato ah oo iska leh hotel-ka Global ee ku yaalla magaalada Muqdishu.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa u hartay 9 Kursi, oo ka dhiman Kuraasta 37 ah ee uu ka helay Baarlamaanka federaalka Soomaalia, kaasi oo dhismihiisu socdo.

13 kamid ah Xildhibaanada lagu doortay waa kuwa hore uga soo mid noqday Baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaadey, kuwaasi oo u badan Xubno ay saaxiibo dhaw yihiin MD Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM