Cadaadiska ay DF kala kulmeyso qadiyad xiisad abuurtay oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ayaa gudaha Soomaaliya ka abuuray xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka oo walaac xoogan ka muujiyey joogitaanka ciidamaddan ayaa cod dheer ku dalbaday in dib u eegis iyo baaritaan lagu sameeyo sharciadda ay dalka ku joogaan.

Talaabadan ayaa sarre u qaadeysa cadaadiska xukuumadda Soomaaliya kula kulmeyso ciidamaddan oo lasoo wariyey in bilooyinkii lasoo dhaafay lagu soo daad-gureeyay qaybo kamid ah waddanka.

Xisbiyadda ayaa soo qaatay qaar kamid ah dhacdooyinka ay ku lug-yeeshaan ciidamadda kuwaas oo ay ku qeexeen faragelin, waxay codsanayaan in waddanka laga saaro gebi ahaanba.

4-tii bishaan Maaj, 2020 ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ayaa degmada Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kusoo ridday diyaarad rakaab ah oo ka baxday Muqdisho.

Bishii December, 2019, ciidamadda Itoobiya ayaa magaaladda Baydhabo kasoo xiray Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo murashax u ahaa hogaanka Koonfur Galbeed kana hor-yimid dowladda.

Wallow ay ku talagalka muujiyeen, ciidamadda ayaa ku guuldareystay in ay meesha ka saaraan isla markaana ay farageliyaan doorashadii u dambeysay ee madaxtooyadda maamulka Jubbaland.

Kadib fashilkaas, ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu daabulay gobolka Gedo, halkaas oo ay kula shaqeynayaan dhigooda Dowladda Soomaaliya oo damacsan in ay halkaas kaga dhawaaqdo maamul "sharci darro ah".

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiyadda mucaaraadka, ciidamadda Itoobiya waxaa sidoo kale la damacsan yahay in ay faragelin ku sameeyaan doorashooyinka soo aadan ee Qaranka.

Dowladda Soomaaliya iyo hogaanka taliska nabad-ilaalita Soomaaliya ayaanan wali jawaab rasmi ah kasoo saarin eedeymahaan.

Wallow duulaankoodii ugu horeeyay uu dhacay 2011-kii laguna eedeeyey xadgudubyo, ciidamadda Itoobiya ee ka tirsaneyn AMISOM waxay yihiin 70% kuwa rasmiga ah ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa lagu dhaliilay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana ay ciidamo shisheeye u adeegsato maamul goboleedyadda ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM