Cadaado: Baarlammaanka Galmudug oo doortay Guddoomiye

Image

June 27, 2015 (O)- Baarlammaanka maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado ee Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah doortay guddoomiye cusub.

Xilka guddoomiyaha baarlammaanka Galmudug waxaa ku tartamay labo murashax oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur laguna kala magacaabo Cabdullaahi Maalin Gaafow (Aasbaro) iyo Cali Gacal Casir.

Doorashada guddoomiyaha ayaa labo wareeg qaadatay waxayna ugu dambeyntii guushu ku raacday Cali Gacal Casir oo helay 45 cod halka murashaxa kale ee la tartamayey uu helay 28 cod. Tirada guud ee codadka ayaa ahayd 84.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug waxaa la dooran doonaa afarta bisha soo socota ee July, sida ay horay u shaaciyeen guddiga maamulaya shirka Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM