Cadaado: goobta shirku ka socdo oo qarax lagu weeraray

Image

June 18, 2015 (GO)- Qarax xooggan ayaa saaka laga maqlay magaalada Cadaado gaar ahaan goobta uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari uu wadey qof isa soo miidaamiyey, waxaa lala beegsaday hoygii ay degenayaan ergooyinka ka qayb gelaya shirka, goobtaas oo masaafo aan dheereyn u jira xarunta Kafaalo ee bilihii u dambeeyey shirku ka sodey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay xarunta gudaha u galeen ugu yaraan saddex nin oo ku hubeysnaa bumbooyin iyo qoryaha daran doorrig u dhaca.

Dableyda ayaa toogasho ku diley dhowr askari oo ilaalo ka ahaa goobta, waxaana intaas kadib bilowdey is-rasaaseyn dhex martey kooxda duullanka soo qaaday iyo ciidmo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian oo halkaas ku sugnaa.

Goob-joogeyaal ku sugan Cadaado ayaa kusoo wrramaya in rasaastu ay weli socoto lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka dhashay.

Dhanka kale, warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisey in ciidamada dowladdu fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab islamarkaana la toogtey dhamman xubnihii weerarka soo qaaday.

Cidna ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan, balse Al-shabaab ayaa horay u fulisey weerarro badan oo caynkan ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM