Cadaado: Madaxweynaha Galmudug oo maanta la caleema saarayo
July 23, 2015 (GO)- Degmada Cadaado waxaa maanta lagu caleema saarayaa madaxweynaha maamulka dhowaanta lasoo dhisay ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Xafladda caleema saarka oo todobaadyadii lasoo dhaafay qaban qaabadeedu socotey, waxaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD.
Mas'uuliyiinta ka qayb gelaya caleema saarka Madaxweynaha Galmudug waxaa kamid ah: Madaxweynaha Dowaldda Federaalka Xasan Sheekh Maaxmuud, Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay iyo Wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Afey.
Waxaa sidoo kale ka qayb geli doona wasiirro iyo xildhibaano ka tisran Dowladda Federaalka; iyo weliba mas'uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.
Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana goobta xafladdu ka dhacayso ilaalo ka haya ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda Dowladda Federaalka iyo AMISOM.
Doorasho horraantii bishan July ka dhacday isla degmada Cadaado ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed loogu doortay Madaxweynaha Galmudug.
GAROWE ONLINE